War hadda soo dhacay waa 09:00 saacada Beljim ama 11: 00 subaxnimo ee Somaliya ayaa lagu cadeeyay in laba qarax oo is xiga uu ka dhacay madaarka Zaventem oo u dhow magaalada Brussels ee Beljim. Qaybta qaraxan ka djhacay ayaa ah qaybta dhoofida ama bixida waxana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay gebi ahaanba xireen madaarka oo waliba ay ku dareen in la helay bambaanooyin kale oo aan qarxin. Qaraxan ayaa u muuqda in la dhigey musqul ama qaybta boorsooyinka e bixida walise lama garanayo sida wa u dhaceen.
Madaarka ayaa u Jira Brussels ilaa 11km wuxuuna sanadkii qaabilaa ilaa 23 milyan oo qof oo rakaaba. Qaraxan ayaa imanay xilli dhawaan la qabtey aergagixiso weyn oo la raadinayay.
La soco wararka dambe wixii ka soo Jira iyo waliba haddii dhimasho jirta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay