Wararka aan ka helayno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fanaanka Farxaan Xidig ay xabsiga dhigeen maamulka Somaliland. Fanaanka oo u baydhey dhinaca siyaasada ayaa baryahan ku sugnaa dalka.
Warkan ayaa naga soo gaaray Hargeysa walise ma jirto masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo xaqiijiya xadhiga fanaanka oo isagu aanan qarin hamigiisa ku aadan sida kaliya ee ummada Somaliyeed u wada noolaanayso.
Farxaan ayaa si weyn looga yaqaan gayiga ay degto ummada Somaliyeed, waxana Jira haddii xadhigiisa la xaqiijiyo in maamulka Somaliland ka dhidideen hadalo midnimada ummada Somaliyeed ku saabsanaa iyo waraysiyo uu bixiyay.
Wixii warara kala soco warbaahinta Araabinews oo warkan ku dabajirta.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS