X

Xasan Sheekh oo kulan la qaatey danjireyaasha muslimiinta ee jooga caasimada:SAWIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada afur ugu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo danjireyaasha waddamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha si kooban uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka la sameeyay, gaar ahaan qorshaha doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sannadkan.

Munaasabaddan afurka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.