X

War deg dega: ninkii afduubey diyaaradii Masaarida oo is dhiibey iyo suunkii qarxinta oo been noqdey

War hadda soo dhacay ayaa lagu xaqiijay in ninkii afduubey diyaaradii Masaarida subaxdii hore ee saaka uu is dhiibey iyadoo la xaqiijay in suunka qarxinta ee uu watey ay noqotey been. Masuul u hadlay wasaarada arimaha dibedda ee Qubrus ayaa sheegay in lagu kala tagay ninkiina is dhiibey.

Warar soo baxay saakadii hore ayaa sheegay in ninkani oo Masaari ah uu rabay in uu la hadlo xaaskiiasa oo joogety wadamada Medirateniyanka ku xeeran inkastoo aan la sheegin dalka ay ka joogto.

Wararkale oo mardambe oo soo baxay ayaa sheegaya in ninkani rabay in xabsiyada laga sii daayo haween Masaari ah oo ku Jira jeelasha Masar. Isku soo duub afduubkii ayaa ku soo dhamaadey guul iyadoo la arkayay nin u eg afduubihii oo ka soo degaya diyaarada gacmahana taagaya,.

Ninkan ayaa masuuliyiinta Qubrus sheegeen in magaciisu yahay Seef uldin Mustafa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.