21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: Ruushka oo Iiraan u fasaxay gantaalaha casriga ee la dagaalama diyaaradaha iyo Yuhuuda iyo Carabta oo ka gariirey

Moscow–Wadanka Ruushka ayaa goordhaweyd shaaca ka qaaday in uu Iiraan u fasaxay gantaalaha casriga ah laakiin hadda Ruushku ka baxay ee S-300 oo muddo hore ahaa kuwa kaliya ee Ruushka ka difaaca diyaaradaha hawada sare wax ka duqeeya iyo waliba gantaalada la soo ganay. Waxa qaylo dheer ay ka soo baxdey reer Galbeedka siiba Maraykanka, Yuhuuda iyo Carabta oo dagaal kula jira Iiraan.

Carabta ay Salafiyiinta Sucuudigu ugu horeeyaan ayaa dagaal diimeed kula jira Iiraan halka Yuhuuda iyo Maraykanka ay iyaguna hadda ku dabajiraan, fursadna u heleen ay ku weeraraan.

Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa qaba haddii Iiraan oo wadan Muslim ah la tirtiro awoodeeda ay meesha ka baxayso quwad bariga dhexe ku taala oo Muslim ah oo u babac dhigi karta Yuhuuda. Iiraan ayaa hubkeeda iyo diyaaradaha samaysata.

Hubkan uu Ruushku fasaxay ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimi iyadoo Ruushku xushmeynayo reer galbeedka iyo Yuhuuda oo markasta u fura meelo ka xidhan sidaana uu dib ugu dhigo soo gudbinta hubkan. Lama garan karo in hadda lafteeda uu rabo in uu kula gorgortamo in isaga laftiisa ay reer galbeedku ka qaadaan cunaabatayn saaran meelaha qaar.

Wasiirka arimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in hubkani aanu khatar ku hayn cidna ee uu yahay difaac kaliya ayna u hakiyeen si aan joogto ahayn hadase ay fasaxeen maadaama heshiis uu jiro laga gaaray dhinaca nukliyeerka ee Iiraan iyo reer galbeedka ee Ruushkuna ku jiro.

Waxa hadda la sugaa waa in Ruushku ka dhabeeyo soo gudbinta gantaalahan amase sidii caadiga ahayd reer galbeedku u furaan ama siiyaan wax uu ku dhaafo gudbinta gantaalahan. Waxa durba Hadley wasiirka arimaha ee Maraykanka oo sheegay in uu la Hadley dhigiisa Ruushka.

Salafiyinta Sucuudiga ayaa iyagu ka talo sugaya waxa Maraykanka iyo Yuhuudu ku taliyaan maadaama ayna lahgayn awood joogto oo ay ku weeraraan Iiraan ama Yaman.

Gantaalaha Ruushku u gudbinayo Iiraan oo bixisey lacagtaa 2007 oo gaaraysa 545 milyan doolar hoos ka fiiri.

_82291526_026735248-1[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS