War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof lagu xasuuqay weerar lagu qaaday huteel ku yaala caasimada dalkaasi Burkina Faso ee Wagaduugu laguna magacaabo Splendid. Huteelkan ayaa sida caadada ahayd waxa isticmaalayay shaqaalaha ka tirsan Qaramada Midoobey, ajaanibta reer galbeedka ee dalka jooga iyo lacagleyda dalka u dhashay.
Burkina Faso ayaa doorasho ka soo baxdey waxayna dhawaan doorteen madaxweyne cusub oo bedela kii hore. Weerarkan ayaa waxa sheegtay argagixisada xalaashatay dhiiga bani aadamka ee Maqrib.
Safiirka Faransiiska oo fariin soo dhigey baraha bulshada ayaa sheegay in hadda lagu jiro in argagixisada laga nadiifiyo huteelka. Lama garanayo dalalka ay u badan yihiin dhimashada. Waxase la sheegayaa in shaqaalaha huteelka ay ku jiraan kuwa dhintey.
Argagixisooyinka caalamka ayaa bartilmaansada goobaha diciifka ah ee dadku ku qaxweeyaan si ay u helaan magac. Bilo kahor ayay ahayd markay weerareen huteel ku yaala Mali halkaas oo iyadana ku dileen 20 qof oo u badnaa shaqaalihii huteelka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay