War deg dega oo hadda naga soo gaadhay ayaa sheegaya in saakadii hore guriga badhasaabka Ramaax ee Boorama lagu qaaday weerar xoogan oo ay jirto dhimasho soo gaartey askar ka tirsan maamulka oo inta badan Hargeysa laga keenay.
Warka ayaa intaa ku daraya xoogaga weerarka soo qaaday ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca oo gaystay weerarkan, waxayna kadis ku noqotey ilaalada Ramaax.
Ramaax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka badbaaday weerarkan waxana jirta cabsi xoogan oo ka jirta dhinaca Ramaax iyo inta ku xeeran. Lama garanayo ujeedada weerarkan looga dan lahaa oo u ekaa mid lagu khaarajinayo Ramaax oo Siilaanyo u magacaabay jagadan, isagoo ku faanayay in magaalada ay ka jirto nabad isla markaana uu kala direy kacdoonkii dib u hanashada gobolka.
Wararka ayaa sheegaya in Ramaax qirtey in laga dilay laba askari halka tiro intaa ka badana lagu dhaawacay. Ramaax ayaa dalbaday in Hargeysa looga soo gurmado maadaama aanu isku halayn Karin deegaanka uu jooga.
Mar aan la xiriirney Awdalstate ayay iyaguna qirteen in weerarkaasi dhacay iyagoo digniin u diray dhalinta ku ciyaaraysa magaalada una sheegeen in ay ku noqdaan magaalooyinkii laga keenay.
Kacdoonka Suldaan Wabar ayaan iyagu wax wara ka so saarin weerarkan xoogan ee ka nixiyay Ramaax.
La soco wixii ka soo kordha warkan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay