Cadan–Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa maraakiib u soo diray badda Yaman iyagoo caawinaya Salafiga Sucuudiga oo shalay duqeyn ku xasuuqey ilaa 30 qof caasimada Yaman ee Sanca. Maraykanka oo isagu bixiya macluumaadka ciidanka Yaman iyo goobaha la duqeynayo ayaa markab dagaal u soo diray badda Yaman iyadoo Iiraan sheegtay in maraakiib dagaal ku soo jeedaan Yaman.
Salafiga Sucuudiga oo iyagu diinta ka saaray urur diimeedka shiicada ayaa raba in ay Yaman hoos galiyaan cagta ururka Salafiga iyo argagixisada caalamiga ah taas oo keentay in ay diidaan dadka Yaman qaasatan ururka shiicada ee Xuutiyiinta.
Maraykankan diyaaraduhu ka kacaan ayaa joogta xeebaha Baxrayn wayna ogtahay Iiraan halka uu joogo waxayse madaxda Maraykanku sheegeen in ayna faragelinayn maraakiibta ka imanaysa Iiraan ee hadda ku dhow badda Yaman iyagoo ka baqaya isku dhac milatari.
Sucuudiga ayaa bixinaya lacagta ku baxaysa qorshahan Maraykanka waxase laga shikisan yahay in maraakiibtani hub u wadaan falaagada laga guulaystay ee gooni goosatada Koofurta Yaman.
Maraykanka ayaa waxa u jooga badda Yaman doonyi hubeysan oo ay ku jiraan kuwa miinada baadha iyo kuwa la dagaalama maraakiibta waaweyn.
Maraykanka ayaan rabin in uu bilaabo dagaal uu la galo Iiraan iyadoo Iiraan awood u leh in ay is difaacdo dhulkana soo dhigto maraakiibtan hubeysan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay