15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo goordhow lagu dhaawacay Muqdisho iyo wararkii u dambeeyay

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Diheeye ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhacay Meel u dhaw Bacadlaha Xamarweyne,waxaana halkaa ku dhintay Labo Askari oo Ilaalo u ahaa.

Dilka ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Koox Hubeysan oo ka tirsan argagixisada shabaab oo watay Gaari, kuwaas oo Gaariga Xildhibaanka ku   Hor gooyay ka dibna Rasaas ku furay.

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye ayaa dhawaan loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Dhawaciisa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa Maalmahaan waxaa ka dhacayay Dilalka Qorsheysan oo ay geysanayaan argagixisada shabaab oo xalaashatey dhiiga muslimiinta iyo dadka bani aadamkaba.

Xildhibaanka ayaa gaariga uu watay waxaa lagu sheegay in uu ahaa noociisa Kaarib Kaas oo Kooxdii Weerartay Ay ku horjareen Gaari kale oo ay wateen.

Goobta lagu weeraray Xildhibaanka ayaa 2 maalin kahor waxaa lagu dilay Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay dileen argagioxisada shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABIEWS