Boorama–Ciidamada kacdoonka Adal ayaa weerar ku qaaday goob ciidan oo u dhow Boorama halkaas oo rasaas lays waydaarsaday. Mar aan la xiriitrney madax ka tirsan booliiska Boorama ayay xaqiijeen in dagaalku dhacay saaka aroortii oo la maqlayay dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan laakiin ayna xaqiijin karin in khasaare soo gaadhay dhinaca ciidanka Siilaanyo taabacsan.
Waa weerarkii sadexaad oo hurdada u diida maleeshiyada Siilaanyo ee ku sugan Boorama agteeda iyadoo kacdoonku balan qaaday in ay weerarka sii wadi doonaan halka magaalada Boorama laga gurayo lacagtii lagu tuman lahaa ee maalinta beesha dhexe ee 18 May.
Isbitaalka Boorama oo aan la xiriirney saaka ayaa iyaguna ka gaabsaday in ay wax faahfaahina ka bixiyaan dagaalka iyo in dhaawac la geeyay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay