23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War Hadda Soo Dhacay: Qaraxyo Dhacay iyo Jaamacad Dagaal Ka Socdo

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in argagixisada Talibaan ay weerar qaraxa ku qaaday jaamacad ku Woqooyi Galbeed dalkaasi Bakistaan. Wararka ayaa sheegaya in argagixisada ay ishaligid ku galeen markii hore kadib markii mid is qarxiyay. Ciidamada amniga ayaa markiiba goobta gaaray waxana la sheegayaa in dagaalku ka socdo jaamacada dhexdeeda.

Bakistaan oo ahayd hoyga argagixisada caalamiga ah xilligii Talibaanka ayaa hadda lafteeda gudaha loo galay oo laga gaystaaxasuuqdyo aan hore loo arkin sida in la qarxiyo suuqyada dadku ku badan yihiin.

Dagalka ayaa socdey ilaa saacad ku dhawaad waxana wararku sheegayaan in argagixisada la hareereeyay oo ayna jirin meel ay u baxaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAAABINEWS