X

War lagu farxi karo oo ka soo baxay dilkii gabadhii yarayd ee Caasha

War aad loogu farxi karo ayaa ka soo baxay dilkii foosha xumaa ee Somali oo dhan ka argagaxeen ee lagula kacay Caasha Aadan Ilyaas oo laba bilood kadib noqon lahayd 3 jir laakiin sida xun loo diley.

>


Waxa Caasha dilka loogu daray in jirkeeda la jarjaro kadibna la soo dhigo gurigeeda horteeda. Waxa hadda la shaaciyay in la yaqaano gaariga lagu keenay meydka Caasha oo ehlu xaafid Quraan ahayd.

Maxkamad ku taal Gaalkacayo ayaa shaacisay magaca ninka leh  gaariga lagu keenay meydka Caasha. Ninkaas oo lagu magacaabo Yaasir Aadan Cali. Waxa mudan in arintan fududeyn karto xataa hadii uu beeniyo waxa keenay in gaarigiisa loogu keenay meydka Caasha yar.

>


Deg deg haloo soo qabto ninkaas ayay amartey maxkamada Gaalkacayo laamaha amniga ee magaalada.  Caasha cadaalad bay rabtaa ayaa ehelada Caasha ku qaylinaayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.