X

Wasaarada kaluumaysiga ee dawlada dhexe oo xog ururinaysa: SAWIRO

Wasaarada Kaluumeysiga ee dawlada dhexe oo kulan loo wada dhan yahay maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa looga hadley xog cusub oo wasaaradu aruurinayso. Xogtaas oo ay ku jirto tirada kaluumaysatada sharciga haysata iyo doonyaha ay isticmaalaan. Xog noocaasa waxa u dambeeyay midii la hayay xilligii dawladii dhexe ee Somaliya 1991.



Kulankan maanta dhacay ayaa waxa ka soo qaybgalay iskaashatooyin intooda badan ka furan Muqdisho oo loogu talogalay sidii loo wada shaqayn lahaa.

Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in suuqa ugu weyn ee Kalluunka Soomaaliya laga furayo Muqdisho gaar ahaan xaafada Xamarweyne lana iibgeyn doono.


Somaliya ayaa ka kireysay shirkad Shiine inay badeena ka qaadato kaluunka ugu badan ee loo yaqaan Tuna iyo kuwa kale oo ay ka samayn doonaan malaayiin doolar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.