23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War naxdinleh: dhiigmiiratada shabaab la baxdey oo Sheekh ku gawracdey Hiiraan kadib maxay sameeyeen

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dhiigmiiratada diinteena ku qaraabata ee shabaab la baxdey ay saakadii hore ku gawraceen Sheekh ahlu diina tuulo la yiraa Mubaarag Jameeco oo u dhow Buulaburde. Argagixisada ayaa diidey in la aaso ama xataa la maydho maadaama ay diinta ka saareen.

Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale sii wateen sadex qof oo ka tirsan qoyska Sheekha. Dhiigmiiratada ayaa gaaleeya Muslimiinta kadibna dhiigooda iyo maalkoodaba xalaashada sida Sheekhan oo kale oo dadka deegaanku ku sheegeen nin ahlu diina.

Sheikh la gowracay ayaa lagu magacaabi jiray Sheikh Axmed Sheikh C/casiis kaas oo hadda meydkiisa ay dhiigmiiratadu ku haysteen isla gurigiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS