12/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War sheegaya in dadkii uu xasuuqey Sucuudigu laga heshiiyay aaskooda

War sheegaya in dadkii uu xasuuqey Sucuudigu laga heshiiyay aaskooda kadib markii in muddo ah ay ku jireen talaagado gaboobey maadaama dalka uu saaray cunaqabatayn dhaawacdey masaakiinta.

Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliya ay la xiriireen dawlada Yaman ee Sucuudigu la dagaalamayo dadkoodana xasuuqayo in la aaso maanta.

Dadkan ayaa Sucuudigu ku xasuuqey badda cas ilaa haddana ma jirto wax dawlada Somaliya ka qabatey iyo in ay cadaadis ku saartey Carabta in ay bixiyaan mag.



Siyaasiyiinta ayaa qaba in Farmaajo qaadi Karin wadadaas maadaama aanu haysan awood uu kula tartamo Carabta Maraykanku dabada ka riixayo oo ay uga weyntahay in uu ku shaxaado in ay ciidanka wax kala dhisaan.

Ma jiro xiriir toosa oo u dhexeeya dawlada Somaliya ee hadda Xamar ka dhisan iyo dawlada Yaman maadaama madaxweynihii hore e Somaliya Xasan Sheekh uu la saftey urur diimeedka Sucuudiga ee neceb shiicada, lana sheegayo in shilimaad loo tuurey.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka cirka Yaman soo rideen helikobter Maraykanku ka iibiyay Sucuudiga halkaana ku dileen 18 askara gobolka Maarib ee Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS