X

Warar dheeraada oo ka soo baxay caruur lagu qashay duleedka Baydhabo

Warka argagaxa leh ayaa ah caruur lagu qashay duleedka Baydhabo. Caruurtan oo lagu kala magacaabo Cabdi Aweys Cabdulaahi oo 9 jir ahaa iyo Aamina Aweys Cabdullaahi oo 7 jir ahayd.


Labadan caruur ayaa hooyadood laba sano kahor ku umul-raacday magaalada Baydhabo. Caruurtan ayaa sida la sheegay loo direy Quraan waxana la baadi goobaayay ilaa shalay.

Waxase qaracan saaka meydkooda la soo dhigey xaafad ka tirsan Baydhabo. Caruurtan ayaa sida muuqata la qashay kadibna lagala baxay beerka iyo kalyaha. ”Laga yaabo inay yihiin argagixisada maadaama uu dhalay xubin hore oo ka tirsan barlamaanka Somaliya ayuu yiri Cali Calasow.


Aabaha dhalay ayaa sheegay inuu qaadanayo qadarta RABI. Waxa baaritaan bilaabay laamaha amniga ilaa haddana kama soo saarin warbixin. Dhacdadan ayaa aad loo argagaxay dhamaan ummada Somaliyeed.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.