X

Ruushka oo si cad ula hadlay Yukarayn: weerar dadkayaga jawaabna waa heli

Ruushka ayaa si cad ugu sheegay Yukarayn oo maalmahan isku halayn darteed ka baxday heshiiskii xabad-joojinta bariga dalkaas oo dadka Ruushka ah marhore ka goosteen. ”Yukarayn hadday weerato dadkayaga bariga Yukarayn maxaan ku qasban nahay inaa difaacno ayuu yiri taliye xigeenka difaaca ee Ruushka oo qudhiisu u dhashay Yukarayn.

Yukarayn ayaa sheegtay in Maraykanku u soo gurmanayo haddii ay weeraraan gobolka balaadhan ee dagaal ku go’ay markii ay ka adkaadeen ciidanka Yukarayn, dibna u riixeen.

Ruushka ayaa wacad ku maray in aanu daawan doonin in dadkooda lagu xasuuqo Yukarayn kadibna webiga lagu daro. Waxayna meel hoose saareen aragtida Yukarayn ee ah in NAATO u soo gurman doonto.

Waxaan aragnaa in Yukarayn kaga dhabayso iyo in kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.