12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Warar dheeraada oo ka soo baxaya duqeyn xoogan oo lagu bartilmaansaday argagixisada shabaab gobolka Gedo

Gedo–Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya gantaalo lala eegtay sargaalo ka mida argagixisada shabaab oo ku sugan gobolka Gedo. Wararku waxa ay sheegayaan in duqeyntaasi ay geysteen ilaa iyo Laba diyaarad oo laga leeyahay dhanka Kenya waxa ayna duqeymahaasi la eegteen hal saldhig oo ay lahaayen argagixisada shabaab.

Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa Lix kamid ahaa Dagaalyahaanada Alshabaab oo saldhig cusub ka sameystay meel aan sidaa uga fogeyn degmada Baladxaawo.

Sidoo kale duqeynta ayaa waxaa ku nafwaayay Afar ruux oo la tilmaamay inay ahaayeen xoolaaley kuwaasi oo sababsaday duqeymahaasi.

Argagixisada shabaab ayaa duqeynta kadib tuuray lidka diyaaradaha mana jiraan khasaaro ka dhashay lidkaasi ay ku rideen diyaaradaha duqeynta fulinaayay.

Xaalada ayaa iminka degan waxaana la soo warinayaa in duqeynta kadib ay Maleeshiyada xireen agagaarka goobaha la duqeeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS