X

Warar dheeraada oo ka soo baxaya diyaaradii ku dhacdey Bardaale

Waxa soo baxaya warar dheeraada oo ku saabsan diyaarada Kiiniya ka diiwaan gashan oo usbuucii hore lagu soo ridey magaalada Bardaale. Diyaarada ayaa soo dhacdey waxyar kahor inta ay ku degin garoonka magaalada.


Waxana jirey warar is khilaafsan oo ka soo baxaya waxa sababay in diyaaradaha soo dhacdo. Diyaarada ayaa xamuul u badan qalabka caafimaadka uvwasay magaalada.

Kiiniya ayaa ku eedaysay Itoobiya inay u diidey masuuliyiin ka tirsan dalkeeda inay qiimeyn ku sameeyaan diyaarada inkastoo Itoobiya war ka soo saarin arintaas. Haddaba warbixin loo direy Amisom ayaa lagu sheegay in diyaarada looga shikiyay inay isku qarxiso ciidamada Itoobiya ee halkaa joogey sidaasna lagu toogtey.


Waxa warbixinta intaa la raaciyay in diyaaradu jiho qaldan ka soo gashay madaarka oo ayna xiriirna la soo samayn magaalada. Dhinaca kale waxay sheegeen in diyaarada taayaradu u furneyn xxilliga ay soo degaysay taasina ku sababi lahayd inay soo dhacdo.


Afirka ayaa waxa ka shaqeeya diyaarado duugoobey oo hadda aduunka laga mamnuucay. Diyaaradii dhacdeyna waxay ka mid ahayd kuwaas.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugayaa warbixinta dhabta ah ee ay soo saarto dawlada Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee gaadhaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.