X

Warar is khilaafsan oo ka soo baxay jeneraal lagu diley Muqdisho

Sarkaalkan Ka tirsan ciidanka xooga ee sida xawliga u dhismaya ayaa lagu diley Muqdisho.  Wararka ka soo baxaya  dilkan ayaa sheegaya in ay fuliyeen rag bastoolado Ku hubeysan oo uu soo direy sarkaal kale oo gaysteyay isku gaysteen dhul. Meydka afar xidiglaha ayaa waxa goobta Ka qaaday ciidan isugu jira booliis iyo milatari.


Goobta lagu diley jeneraal Yuusuf Cali Qasaay loona yaqaanay Yuusuf dhegay ayaa ah xaafad hadda loo bixiyay warshada caanaha oo Ka tirsan degmada Hodan oo ay Ku yaaliin isbitaalka xooga iyo warshadii korontada.


Ilaa hadda Lama sheegin sida dilku u dhacay ayadoo warar sheegayaan in jeneraalka gurigiisa lagu dhex diley oo loo soo dhacay iyo in la soo jiidhey ilaalada hadday jirto.

Ciidanka qaranka ee hadda dhismaya ayaa waxa u badan deegaanada Koofurta dalka siiba gobolada shabeelaha djexe iyo hoose.


Waxa baryahan soo hagaagaayay sirdoonka dalka siiba Kan Muqdisho Ka dhisan Kaas oo lagu guulaysto in la soo qabto argagixisada inkastoo ay dheertahay inta go’aan laga gaaraa taas oo nidaamka Ka dhigeysa kan gaalada.

Sawirka hoose waa jeneraalka argagixisadu dishey

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.