15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Warar ka soo baxaya diyaarad Liibiya leedahay oo la afduubey iyo wararkii u dambeeyay

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya diyaarad ay leedahay Liibiya oo la afduubey ayaa sheegaya in diyaarada la geeyay dal xeebeedka Malta ee ka tirsan Yurub.

Diyaaradan oo samaynaysay duulimaad gudeed ayaa rag hubeysan weecsadeen kadib markii ay sheegeen in ay qarxin doonaan, waxana hadda la isku horfadhiyaa madaar ku yaala Malta.

Lama garanayo waxay dalbanayaan afduubayaasha waxayse ka yimaadeen dal Maraykanka iyo reer galbeedku burburiyeen oo kuwii runtood mooday xoriyada beenta ay hadda iscunayaan.

Diyaarada ayay saarnaayeen 118 qof oo rakaaba. Nin u hadlay magaalada saxaraha ku taal ee Sabxa ee Liibiya ayaa sheegay in ay jirto masaafo u dhaxaysa diyaarada iyo aqalka rakaabku fadhiistaan oo ay suuragal tahay in masaafadaas qof la lugeeyo hub.

Ilaa hadda waxa is horfadhiya ciidanka amniga Malta iyo dadka fuushan diyaarada oo aan wali ka soo degin. Wararkii u dambeeyay ayaa tilmaamay in kooxdii afduubey ay is dhiibeen magangalyana waydiisteen.

Wararkii u dambeeyay

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS