24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Warar sheegaya in doon kale ka baxayso Masar oo ay raaci doonaan dhalinyaro reer Woqooyi ah

Wararka aan ka helayno Masar qaasatan magaalada Iskandariya ee xeebta ayaa noo xaqaiijay in doon kale si qarsoodiya ku baxayso dhawaan kana baxayso magaalada Iskandariya iyadoo ku jeeda Talyaaniga.

Doontan ayaa diyaara waxana la sugayaa kaliya goobtii iyo xilliga ay soo gaarayso xeebta meel aan ka fogeyn. Dhawaan ayay ahayd markii doon lagu hoobtey ay ku degtay badda u dhaxaysa Masar iyo Giriiga intii ka badbaadayna loo qaaday Giriiga.

Waxana muuqata in dhalintu badankoodu bixiyeen lacagihii ay siin lahaayeen mukhalisiinta dhoofiya ayna dheg jalaq u siinayn kuwa inagu aan u barooranayno iyagoo ku doodaya toodii ayaa soo gashay.

Dhinaca kale waalidiinta ayaa diraya lacagta ay ku raacayaan doonta kadibna ka ooyaya kana calaacalaya ilmahooda ay lumiyeen. Dawlad la’aanta ka jirta dalka mudada dheer ayaa u aabo ah dhalinta is dileysa ee badaha isku tuureysa iyo kuwa argagixisada arsaaqad iyo diin moodey.

Rashiid Ceelaanyo

Ku xirnow ARAABINEWS wararkii ugu dambeeyay ee arintan. Nagala soo xiriir araabimedia’gmail.com

ARAABINEWS