11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Warar sheegaya in gaadhi nooca gurmadka ah oo ku socday Boorama lagu haysto Quljeed xageese laga keenay

Xariirad–Gaadhi nooca gurmadka ah ayaa la sheegayaa in lagu afduubtey magaalada Quljeed. Gaadhigan ayaa la sheegayaa in Jabuuti ugu deeqday Xariirad iyadoo la ogyahay xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya qoxootiga Ciisaha ee degan Xariirad iyo Jabuuti.

Sida wararku sheegayaan gaadhigan gurmadka ah ama ambilance ayaa qof u qaaday isbitaalka Boorama si loogu daaweeyo waxase la sheegayaa in aan gaadhin Borama oo Quljeed aanu dhaafin.

Waxa kale oo aan ognahay in kacdoon ka jiro deegaanada Awdalstate inkastoo tani aan la xaqiijin Karin. Waxa kale oo lagu eedaynaa askareta Siilaanyo u adeega ee degan Quljeed in ay gaadhigan gurmadka haystaan.

La soco xaalada ambilance-ka halka wararkiisu ku dambeeyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS