Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen inta badan saraakiishii xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugneed Magaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in xubno katirsan Hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidamo badan ay wateen ay ka baxeen Degmada Dhuuso Mareeb, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay aadeen dhinaca Degmada Guriceel.
Wararka kale ee laga helayo Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay shalay kulan la qaateen Hogaanka Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugnaa Magaalada Dhuuso Mareeb.
Warar soo baxaya sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Dhuuso Mareeb kulanka kadib ay ku amreen saraakiisha Kooxda Ahlu Sunna in ay hubka dhigaan kuna biiraan Maamulka Galmudug.
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ahlu Sunna ee ka baxay Degmada Dhuuso Mareeb, waxa ayna arintan kusoo aadeysaa xili Gobolka Galgaduud Degmooyin iyo deegaanp katirsan ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya xoogaga Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay