November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararka dab xalay ka kacay Boosaaso

Wararka dab xalay ka kacay Boosaaso. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dabkaas oo ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Afar iridooda socdeyna mudo saacado ah.

Kaalinta shidaal ee dabka uu ka kacay xalay oo gaar loo leeyahay laguna magacaabo 3CC, ayaa waxa ay si gaar ah ugu taalaa meel aan sidaas uga fogeyn Hotelka Ramaada.



Shacab fara badan ayaa ku soo xoomay goobtii uu dabka ka kacay, iyaga oo ka qeyb qaatay daminta dabka, waxaan dabka uu ku sii fiday goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow, gaar ahaan kaalin shidaal kale oo goobta ku tiilay.



Intii uu xalay dabka socday ayaa waxaa la arkayay fuustooyin shidaal ah oo Qarxaya, islamarkaana uu cirka isku shareeray ololka goobta ka soo baxayay, sida ay sheegeen qaar ka tirsan dad goob joogayaal ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS