X

Wararkii dilka fanaanka Oromada iyo cida lagu eedeeyay

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya magaalooyinka waaweyn ee Oromada ayaa sheegaya in dadka ilaa hadda ku dhintey rabshadaha ka dhashay dilka fanaanka ay gaarayaan 81 shiciba. Banaanbaxa ayaa isugu jira caro ka dhalatay dilka fanaankii Xajaalu ee Oromada ah iyo xariga Jawar Maxamed.


Jawar Maxamed oo Oromo ah ayaa booliisku sheegay in ilaaladiisu ay rasaas fureen kadibna ay dileen qof shacaba sidaana loo xirey shalay galab.

Dilka fanaanka ayaa keenay in Oromo aad u caraysan ay gubaan dhamaan dadka la degan deegaanada balaadhan ee ay degan yihiin. Waxa la weeraray huteel uu leeyahay orodyahanka Gabriyeel.


Madaxda Oromada ayaa sheegay in Xajaalu ay dileen Tigree iyo Masaari is wata laakiin ay ficilka fuliyeen dhuuni qaatayaal Oromo ah.

Fanaanka ayaa la diley xilli uu galayay gaarigiisa. Waxay rabaan inay aamusiiyaan kacdoonka Oromada weyse la waayeen ayuu yiri banaanbaxe aad u caraysan.


Siyaasada Itoobiya ee qasan ayaa waxa qaska ugu badan u dhexeeya madaxda Oromada oo laga baqaya inay si fiican u kala jabaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.