31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wararkii u dambeeyay dil wuxuushnimo ah oo noociisa aan hore loo arag

Waxa magaalada Gaalkacayo qaybta Galmudug xalay ka dhacay dil wuxuushnimo oo aan noociisa hore uga dhicin Somaliya oo dhan. Dilkan ayaa lagula kacay 9 qof oo ka soo jeeda Koofur Galbeed oo hal mar lagu xasuuqay Gaalkacayo.



Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilkan yimi markii la diley ninka tirsan ciidanka nabadsugidda oo goob maqaaxi ah ku cawaynaayay magaciisana lagu sheegay Cali Dhiif.

Koox is abaabushay loona malaynayo isla nabadsugidda ayaa kadibna xasuuq ka fulisay guri ku yaala duleedka magaalada oo ay degan yihiin dadkan shacabka ah ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.



Waa markii labaad ee isla todobaadkan lagu xasuuqo dad shacaba oo ka soo jeeda Koofur galbeed deegaano inta badan fowda ah oo ku magacaaban Galmudug.

“Wax weligeed la maqlay maaha waana fal argagixisnimo haddii gosha la gashadana waxa ku dhiban kuwa gosha gashanaya gacan ku dhiigleyaal jaahiliina ayuu yiri Axmed Kheyre oo ku sugan Gaalkacayo.



“Ma filayo in dadkaas weligood cadaalad helayaan oo la mid noqon doonaan sidii kuwii lagu diley Dhuusamareeb agteeda ayuu raaciyay oday Axmed Kheyre waana isla booliiska kuwa dilka gaystey.

Inkastoo ay jiraan baaqyo ka soo baxaya masuuliyiin ka soo jeeda Galmudug oo ah meel fowda ah haddana in gosha la gashado ay keenayso in dadkale oo aan waxba galabsan iyagana sidan loo xasuuqo.



“Adeer Somali waa hal qoys oo is dhex degan marka laga tago kuwan xuduuda u samaynaya, dilkan noocan oo kalana hafaan la moosin hadda anu ma garan karo sida Somali u wada noolaan karto iskuna dhexmari karto ayuu ku gunaanaday oday Axmed Kheyre.

Duqa magaalada Gaalkacyo qaybta dilkan wuxuushnimada uu ka dhacay ayaa leh waxaan bilowney baaritaano halka dawlada Somaliya dalbatey in deg dego loo soo qabto wuxuushtaas dishey dadka shacabka ah.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS