X

Wararkii u dambeeyay diyaarad ku burburtey duleedka Bardaale iyo magacyada

Waxa ka soo baxaya warar kala duwan diyaarad ay leedahay shirkada African Airways oo ku burburtey duleedka Bardaale. Shirkadan ayaa waday xamuul una wadan masuul deegaanka ah.



Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in diyaaradu soo dhacdey waxyar kadib inta ayna soo degin kuna dhacdey duleedka garoonka Bardaale oo dadka dhinteyna ay ku jiraan laba Soomaali ah.

Xildhibaan Iibi oo ka mida masuuliyiinta diyaarada ayaa isaguna sheegay in diyaarada la soo ridey, wuxuuna ku sababayeen in xilliga ay diyaaradu soo degaysay uu garoonka ka socday dabrid.


Dhiigmiiratada shabaab ayaa ka agdhow magaalada waxana dhici karta in baasuuke la eegteen. Waxa diyaaradan ku dhintey inta la ogyahay 7 qof.

Magacyada dadka ku dhintey oo sidan lagu sheegay

Kabtan Xasan Muuse Bulxa
Inj u dhashay dalka Kiiniya
Cali madax gaduud oo ahaa Masuulkii Xamuulka loo waday
Saciid Cabdulaahi Maxamed Wakiilkii Shirkada
Kabtan Mabruuk
Kabtan Cumar

Masuul u hadley dawlada ayaa sheegay inay socoto baadhitaan, wixii ka soo baxana ay gadaal ka soo sheegi doonaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.