X

Wararkii u dambeeyay ee Puntland kaga xoreynayso argagixisada iyo war ka soo baxay Cadde Muuse

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya aaga dagaalka Puntland ayaa sheegaya in jab xoogan loo gaystey shalay argagixisadii joogtet xeebaha Garmaal iyo Garacad inta u dhaxaysa waxana wararka hadda sheegayaan in illaa 15 gaari oo tikniko hubaysan ah ay ku soo socdaan.

Gawaaridan ayaa la sheegayaa in ay xalay kasoo gudbeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Galmudug, kuwaas oo ku soo food leh dhinaca Puntland.

Saraakiil ka tirsan dowladda Puntland oo ku sugan deegaanka Garacad ayaa xaqiijiyey inay xogtaan hayaan sidoo kale goobjoogeyaal Garacad ku sugan ayaa sheegaya in Garacad si weyn looga hadal hayo xogta gurmadka dhiigmiiratada.

Madaxweyne Cadde Muuse wuxuu cadeeyey in Puntland aysan aheyn markii ugu horeysay oo dagaal lagu soo qaado, isagoo sheegay in marar badan oo aysan awood badan laheyn la soo weeraray, balse ay iska difaacday hagardaamooyin loo soo abaabulay, hadeerna ay Puntland iskaga filan tahay cudud kasta oo la keeno.

Jeneraal Cadde Muuse wuxuu sheegay in uu dagaalkan yahay mid ladoonayo in lagu burburiyo Nabadda, Ilbaxnimada iyo Horumarka ka jira Puntland, ayna gacmo badan ku lug leeyihiin dadweynaha oo dhan looga baahan yahay in ay dagaalka qeybtooda qaataan.

Madaxweynuhu wuxuu fariin adag u diray Shacabka Puntland oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay Isku duubni muujiyaan, ayna Ilaawaan wax kasta oo maanta ka dhaxeeya dhexdooda, ayna lagama maarmaan tahay in ay u dhaqaaqaan sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga ku soo duulay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.