21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wararkii u dambeeyay xasuuq argagixisada ku gaysatey maqaayada Blue Sky ee Muqdisho

Sidii caadiga ah argagixisada ayaa beegsata hantida shacabka iyagoo ka xun nolosha dadka maqaayadaha iyo huteelada fadhiya ee ku nasta shaahana ka caba. Maqaayada Blue Sky maagha markii ugu horeysay oo la weeraro.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xasuuqu gaarayo ilaa laba ruux halka dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Warbaahinada qaar oo la shaqeeya argagixisada ayaa qaarkood sii sheegeen in qarax dhacayo.

Argagixisada ayaa jecel in ay dilaan muslimiin badan, kadibna ku faanaan yiraahaana ALLAAHU AKHBAR. Ma jirto cid si rasmiya uga warantey xasuuqa halkaasi ka dhacay.

Xasuuqan ayaa yimi kadib markii Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lasoo dhigay illinka hore ee maqaayadda, waxaana qaraxa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

IMG_4755-1[1] IMG_4767[1]

qarax-4

qarax12

 

img_4755img_4756img_4758img_4762img_4767img_4769img_4771img_4776img_4778img_4779

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS