Wararkii u dambeeyay xiisad ka taagan Jigjiga oo ciidamo la wareegeen. Waxa saaaka ciidamo ka tirsan kuwa dawlada dhexe la wareegeen xarumihii ismaamulka Somalida. Waxa jirta meelaha qaar oo la bililiqaystey.
Ciidamadii dawlad deegaanka ayaa la sheegayaa inay diideen amar ka yimi Abiy Axmed oo sheegaya inay hubka dhigaan oo ku soo xeroodaan xarumahooda.
Xiisada ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay kadib markii Abiy Axmed u yeeray madaxweynaha ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar oo la rabay in loo sheego in la bedelay.
Khilaafka ugu weyn ayaa ka dhashay laba arimood oo waaweyn waa ta hore: hadal uu yiri madaxweynaha ismamulka kuna saabsan qoondada ismamulku ka helayo shidaalka deegaanka oo la sheegay in Abiy Axmed ka xanaaqay.
Waa ta labaad oo iyadna lagu sheegay shirka Somalida uga furmaya Diridhaba oo lagu doonayay isku tiirsanaan ayna ku baaqeen odayaasha ismaamulka oo ay ka soo qaybgalaayeen mucaarad iyo muxaafidba.
Shirkan ayaa laysku mari waayay
Si kastaba ha ahaatee ma jiraan warar faahfaahsan oo aan ka ahayn in Abiy Axmed loo sheegay inuu isbedelkiisa ka bilaabo ismamulka Somalida oo ah halka ugu fudud ee uu bartilmaansan karo.
Waxa Iyana Meesha ka maqnayn isku dhaca Somalida iyo Oromada ayaa dhinaca lagu eedeeyay madaxweynaha ismaamulka inuu hormood ka yahay waxna ka qabanin sidii loo joojin lahaa.
Waxa go’an isgaarsiinta internet-ka oo dirqi lagu helayo waxana lala wareegay xarumihii ismaamulka. Lama oga halka la geeyay Cabdi Maxamuud Cumar oo maamulkiisu sheegeen inuu maqan yahay.
Warar hadda ka soo baxaya ayaa sheegaya in ay faaftey bililiqada iyo goobaha la gubayo ee magaalada haba u badnaadaan goobaha ganacsiga iyo weliba goobo ay leeyihiin Oromadu.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS








Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay