November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyay ciyaarta xiisaha leh ee beri dhexmari doonta Juventus iyo Barcelona

Barcelona iyo Juventus ayaa ciyaar aad u xiisa leh ku dhexmari doontaa beri marka ay ku kulmaan Berlin koobka kama dambeysta ee naadiyada Yurub. Labadan kooxood ayaa ku guulaystay laba koob oo dalalkooda ah waxayna ku rajoweyn yihiin in midkana u sadexeeyo noqdaan kooxdii qaaday sadexda kob wada qaaday.

Barcelona ayaan jirin cid ka dhaawacan waxayna ciyaartan xuleysaa ciyaartowgooda weerarka kuwa ugu khatarsan sida Messi, Neymar iyo Suarez. Sadexdan weerar ayaa ka mida kuwa aduunka hadda aad loo boqo iyadoo goolhayaha Juventus ku tilmaamay Messi in uu ka yimi duni kale iyaguna yihiin bani aadam.

Dhinaca Juventus ayaa iyadu rajaynaysa in ay joojiso Barcelona iyadoo mardhawayd ka soo faraxalatay koobkii labaad ee dalkeeda iyadoo garaacdey kooxda Napoli. Juventus muddo dheer ayaa ugu dambeysay ciyaarta kama dambeysta waxayna ahayd sanadii 2003 halkaas oo kooxda AC Milan ku garaacdey rigoorayaal.

Ciyaaryahanada Juventus ku jira sida Tevez, Pirlo, Chiellini ayaa iyagana aad looga baqayaa qaasatan Tevez iyo Pirlo oo ah rag aad u khibrad badan. Juventus dhinaceeda ma jiraan cid dhaawac kaga maqan waxana la filayaa in uu noqoto ciyaartii loogu daawashada badnaa.

Waxayna ciyaartu bilaabmi doontaa 09:45 xilliga Somaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaan sugnaa waa Barcelona oo la hakiyo mise iyadoo hore u sii socota.

ARAABINEWS.COM