X

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dawlada dhexe ee Itoobiya iyo Tigreega

Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in weerarkii ugu horeeyay ee ay ku qaadaan falaagada Tigreega uu guul ku dhamaaday. Ciidanka Itoobiya ayaa hadda gudaha u galay gobolka Tigreega halkaas oo ay kala kulmeen iska caabin yar oo markii dambe lagu burburiyay duqeymaha cirka.


Hogaamiyeyaasha Tigreega ayaa ah kuwii xasuuqii iyo kufsiga ka gaystey Somaliya iyo Somali galbeed, waana iyaga kuwa dagaalka lagu wado ayuu yiri siyaasi ku jira barlamaanka Itoobiya.

Dhinaca kale barlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay in gobolka Tigreega laga maamulo dawlada dhexe ilaa inta ay xaaladu degayso, taas oo ka dhigan in falaagada gobolka haysataa lumisay xoriyadii ay haysatey ayuu yiri masuul u hadkay barlamaanka Itoobiya.


Falaagada Tigreega ee xasuuqa ba’an gaystey ayaan hadda jirin meel ay u cararaan kadib markii wadamada jaarku xirteen xuduudooda. Eritariya oo eegsaysa xaalada ayaa ugaadhsanaysa Tigreega soo baxaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.