X

Shiinaha oo hawada u direy tijaabada 6G halka Maraykanka welli gaarin 5G

Shiinaha ayaa si aada u garaacay Maraykanka dhinaca is gaarsiinta telfoonada gacanta ayagoo hadda dalkooda laga isticmaalo xawaaraha jiilka shanaad ee afka qalaad lagu yiraa 5G, ayay hadda hawada u direen xawaaraha jiilka lixaad ama afka qalaad 6G.


Dunida badankeeda ayaa welli isticmaasha xawaaraha internetka telfoonada gacanta ee jiilka Afraad halka welli ayna soo gaarin jiilka shanaad ama hadda uun la wado in la gaarsiiyo. Tan ugu weyn  ayaa ah in ay welli yaryihiin telfoono ku shaqeynaya xawaaraha jiilka shanaad.

Xawaaraha jiilka Afraad ee hadda jira ayaad ku daawan karta muuqalada si degdega, ayagoo weliba saafi ah, waxaanad dirsan kartaa telfoono badan ayadoo ayna kaa bixin kharash badan maadaama ay internet isticmaalayaan.


Jiilka shanaad ee ka dambeeya ayaa la filayaa in xawaaraha telfoonka ee internetkaagu aad u kordho filimada, shaxda, iyo aaladaha kale ee casriga ahna aad si dhib yaraan isku rogayaan oo aanad sugeyn muddo dheer.


Haddaba Shiinaha oo horumar weyn ka gaaray dhinaca isgaarsiinta casriga ah ayaa tijaabo jiilka Lixaad ah u direy hawada, waxayna tani walaac gelisay Maraykanka, oo aduunka kale ka dalbadey inayna iibsan qalabka lagu helo jiilka shanaad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.