Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya diyaaradii Masar ee la waayay ayaa sheegaya in hadda la rumaysan yahay in ay ku dhacday badda u dhaxaysa Giriiga iyo Masar. Diyaarada ayaa la sheegay in la waayay markii ay ka baxday khadka Giriiga soona gashay kan Masar.
Waxa hadda la xaqiijay in rakaabku isugu jirey Masaari 30, Faransiis 15, Ciraaqi 2, iyo min hal qof wadamada Ingiriiska, Kanada, Beljim, Kuwayt, Sucuudiga, Aljeeriya, Suudaan, Jaad iyo Portugal.
Waxa hadda raadcadeeda ku Jira wadamada Masar, Guriiga iyo Faransiiska. Giriiga ayaa sheegay in diyaaradu dulmaraysay jasiirada Kaba intii aanu go’in wada xiriirku.
Badda ay ku dhacday ayaa ah bad aad u yar waxana suuragala in si deg dega loo helo raqdeeda lamase garan karo in la heli doono cid ka badbaada…..waxana ku Jira ilmoyar iyo caruur.
Khuburada ku xeeldheer arimahan ayaa qaba in ay tahay fal argagixiso inkastoo aan la xaqiijin Karin haday run noqotana la aminsan yahay in madaarka Paris aanu amni ahayn.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_89736933_89736159[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/05/89736933_897361591-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay