Wararkii u dambeeyay ee magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Somalida iyo Diridhaba oo ay ku dhinteen muwaadiniin Somali ah ayaa manta degan mana jiraan wax rabshado ah oo ka jira labada magaalo.
Dawlada dhexe ee Itoobiya ciidankeeda ayaa amniga Jigjiga kala wareegay ciidankii Liyuu booliiska oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhana bani aadamninada.
Waxa jira warar sheegaya in Cabi Axmed uu rabo inuu kala diro ciidanka liyuu booliiska oo xad-gudubyo badan Somalidu ka gudbisay, waxase talaabadaan ka digaya dadka ismaamulka oo qaba in la tayeeyo laakiin la ixtiraamo dastuurka maadaama Oromaduba haysato ciidan u gaara.
Waxa jirta dad farabadan oo isaga baxay magaalada maalmihii hore oo aaday gobolada ismaamulka inkastoo hadda ciidanka dawlada dhexe joojiyay dadka baxaya samaysteena goobo xanibaada.
Axmed Shide oo dawlada dhexe u qaabilsan warfaafinta ayaa sheegay in lala xisaabtami doono maamulkii hore ee uu hogaaminaayay Cabdi Ilay.
Waxa shalay la qabtey madaxii hore ee ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar iyo intii u dhaweyd oo la sheegay in hadda loo gudbiyay Addsi ababa si maxkamad loo saaro, inkastoo wararka aan helayno sheegayaan inuu hadda gurigiisa Addisababa ku sugan yahay.
Diridhaba
Magaalada ayaa guud ahaan degan inkastoo ay jireen shalay gelinkii dambe dhagxaan dhalinyaro Somali ah iyo kuwo Oromo ah isku tuureen qayb ka mida magaalada.
Dhinaca kale shir ay wada qabteen Somalida iyo Oromada ku nool Maraykanka ayay ku baaqeen in si dhaqso ah loo joojiyo dhiiga bilaa macnaha ku daadnaya ee Somalida iyo Oromada.
Waxa welli go’an isgaarsiinta internetka ee ismaamulka Somalida.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay