22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wararkii ugu dambeeyay iyo weerar hadda la xaqiijay in uu ka dhacay bakhaar weyn oo ku yaala Boorama

Sidaad wararka hore ku aragteen waxa wararkii u dambeeyay sheegayaan in dabley afka soo duubtey ay weerareen bakhaarka weyn ee Muuse Caamir ee bartamaha magaalada Boorama isla markii ay u soo dhawaadeena ay iska qaybiyeen qaarna bakhaarka gudihiisa rasaas ku furey kuwa dibedda ku hadhayna dadkii ku soo dhawaaday ay rasaas huwiyeen. Waxana la xaqiijay dhaawaca laba qof oo ahaa xamaatada bakhaarka.

Bakhaarka Muuxe Caamir ayaa ah kan ugu weyn magaalada isla markaana sida weyn ooga adeegto. Ma jirto cid si gaara u bartilmaansaday lamana garanayo ragan afka soo duubtey sababta ay u eegteen bakhaarka.

Warar kale oo sheegayay in Somtel la weeraray ayaa been noqdey waxana weerarku ku ekaa bakhaarka oo tuugadu rabeen in ay dhacaan.

Boooliiska magaalada ayaa ku daba jira dableydan waxana jira foojignaan dheeraada oolaga sameeyay dhamaan goobaha ganacsiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM