X

Wararkii ugu dambeeyay iyo xasuuqii dhiigmiiratada ee degmada Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.Warar Madax Banaan oo aan heleyno ayaa xaqeejinaya In ka badan 13-ruux inay ku dhinteen dhaawaca ayaa la xaqiijiyey in uu kabadan yahay 20 ruux qaraxyadan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaariga.

Qaraxyada ayaa ahaa ilaa Saddex Qarax ,kuwaas oo kala ahaa 2 Qof oo Ishalige ,Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa iyo sidoo kale Miino dhulka lagu Aasay.

Masuuliyinta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed  oo aan xariir la sameynay ayaa xiligaan ka gaabsaday in aay faah faahin horudhac ah ka baxiyaan qasaaraha ka dhashay qaraxayadaasi.

Waa weerarkii labaad ee dhiigmiiratadu ku qaado dadkeena iyadoo wali aan la barooranayno xasuuqii daraad ka dhacay Muqdisho. Koxdan ayaa hore uy banaysatey waxaanad arkaysaa goobaha la beegsanayo oo dhamaantood ah goobo rayid.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.