X

War deg dega: diyaaradaha Sucuudiga oo xasuuq ka gaystey caasimada Yaman

Dagaalka u gaarka ah ee Sucuudigu kula jiro Yaman ayaa ku socda fashil kadib markii uu dhaafi waayay Ticis oo hadda noqotey xero geel ku galgashay dagaal awgeed. Diyaaradaha Sucuudiga ayaa xasuuqan ku dilay ugu yaraan 30 qof oo ku nool Sanca.

Reer galbeedka iyo Yuhuuda oo bixiya hubka Sucuudigu ku weerarayo Yaman ayaan ka hadlin xasuuqa Sucuudigu kula kacay dad masaakiina oo aan haysan wax ay cunaan.

Xasuuqan u dameeyay ayaa waxa ku dhintey 30 qof oo shacaba markii ay gantaal ku soo tuureen goob suuqa oo dadku ku badan yahay iyadoo dhaawaca lagu sheegay ugu yaraan 30 ruux sida goob joogayaal u warameen.

Koox madax banaan oo u waranta qaramada midoobey ayaa ogaatey in Sucuudigu weeraro goobaha lagu badan yahay si dad badan u laayaan, waxay kaloo weeraraan guryaha shacabku degan yahay iyo goobaha shidaalka.

Waxay ogaadeen in si ula kaca loo gaajaysiiyo dadka Yaman oo la rabo in loo qaybiyo urur diimeedyo la kala yiraa shiico iyo Suni oo Sucuudigu inta badan isticmaalo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.