Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland ayaa Saaka weerar sifayn ah ku qaaday haraadiga kooxda shabaab ee shalay dagaalka lagula galay dabagaro, waxaana hada wararka aan helayno ay sheegayaan in dagaalku socdo.
Waxaa Saxaafadda loo soo bandhigay 31 maxbuus iyo in kaban 60 dhimasho ah.
Wararka ayaa sheegaya in argagixisada naf la caariga ah ee dagaalku qabsaday ay aad u yar yihiin aysana u babac dhigi karin Ciidanka difaaca Puntland ee si aad u saraysa una qalabaysan, doonayana inay isla maantaba soo afjaraan maleeshiyaadkaan.
Xiriiro kala duwan oo saxaafadu la samaysay Saraakiisha Ciidanka Puntland ee Dagaalka garacad hogaaminaysa iyo Wasiirka Amniga ayayna suuragal noqon in la helo warbixin ku aadan khasaaraha rasmiga ee dagaalka socda.
Dawladda Puntland ayaa xalay sheegtay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Argagixisada lagu sifaynayo ay qaadayso maanta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay