X

Wararkii ugu dambeeyay shuban biyood loogu dhintey Buuhoodle

Maamulka Somalilaan ayaa sheegay in dad badan ay Buuhoodle ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka oo laga qaado nadaafad xumada siiba biyaha wasakhda ee ay cabayaan. Maamulka Somalilaan oo Butlaan la sheegta Buuhoodle ayaa sheegay in dadka geeriyooday u badan yihiin caruur.


“Waxa u dhintey cudurka 8 caruura iyo laba waayeela, waxayna ku dhinteen deegaanka Widhwidh ee hoostaga Buuhoodle laakiin ayna joogin maamulka Somalilaan ee warkan laga soo xigtey.


Shuban biyoodka ayaa si fudud looga hortagi karaa laakiin burburka dalka uu Ku jiro iyo maamul jufeedyada ayaa kordhiyay xanuuno laga hortagi Karo ayuu yiri Xuseen Warsame.


Dhawaan ayay ahayd markii deegaano hoostaga gobolka Sool lagu arkey xanuuno ay dadku sheegeen inayna garanayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.