X

Wararkii ugu dambeeyay weeraradii kacdoonka reer Adal ku qaadeen maleeshiyada Siilaanyo iyo dhaawacyo loo qaaday Hargeysa

Boorama–Hogaanka kacdoonka reer Adal ayaa warbixin ka bixiyay weeraradii ay ku qaadeen maleeshiyada Siilaanyo daacada u ah ee joogta Boorama iyo Boon. Hogaanka kacdoonka ayaa sheegay in ciidankoodu nabadqab ugu soo noqdeen xerooyinkooda kadib weeraro ka dhacay Boon inkastoo weerarkii aaga Boorama uu ahaa mid culus oo dhaawacyo soo kala qaadheen kacdoonka iyo maleeshiyada SNM.

Wararka aan ka helayno Hargeysa ayaa sheegaya in isbitaal la geeyay ilaa 19 dhaawaca oo ku dhaawacmay weerarkii aaga Boorama. Dhaawaca badankooda ayaa ka soo jeeda maleeshiyada Siilaanyo waxayna diideen in lagu daaweeyo Boorama.

Isbitaalkan oo ah nooc u eg mid askareed ayaa la geeyay dhaqaatiir si wax looga qabto dhaawacyo halisa oo soo gaaray maleeshiyada dagaalkii Boorama.

Weerar kale ayay ciidanka kacdoonku ku qaadeen Boon saakadii hore ee manta mana jirin wax khasaare oo ka dhashay dagaalkaas sida ay sheegeen masuuliyiinta kacdoonka iyo kuwa maleeshiyada Siilaanyo. Waxa oo kacdoonku ka warameen in mujaahid Maxamed Dabeeco oo dhaawac ahaa hadda uu ka bogsaday dibna ugu noqdey ciidanka.

Dhinaca kale badhasaabka Siilaanyo ee Boorama Ramaax ayaa dalbaday in ciidamo saaida la keeno Boorama si ayuu yiri si nabada loo qabto maalintooda 18 May iyadoo dhawaqaasi si fiican ay u qaateen hogaanka ciidanka beeshe dhexe. Waxana soo wajahday cabsi xoogleh oo sababtey in telefoonada uu dansado.

Kacdoonka ayaa wacad ku maray in ay sii wadaan weerarada oo hadda helay taageero farabadan una muuqda in uu sii afar laabmey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.