Wararkii ugu dambeeyay weerar argagixiso oo fashilmey oo ka dhacay goob aan ka fogeyn madaxtooyada. Dawlada oo hore u sheegtay in gaari qaraxyo wada uu ku jiro Muqdisho.
Saraakiisha madaxtooyada ayaa sheegay inay toogteen argagixiso galaaftey nolosha geesi hor joogey madaxtooyada. Wararka ayaa sheegaya in gaariga argagixisada taayirada laga toogtey.
Gaari kale oo argagixisadu wadatey ayaa isna Isgoyska Jubba ku qarxay lama oga khasaaraha ka dhashay, laakiin dadkii meesha ka agdhawaa ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.
Saraakiisha Gaadiidka Deg dega ah ayaa waxa ay sheegeen Qaraxyadan in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 qof, kuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho, dadka dhintay waxa ay isugu jiraan Shacab iyo Askar aan badneyn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEW