November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqii ka dhacay Faransiiska iyo dhimashada oo gaaraysa ilaa 120 qof

Wararkii ugu dambeeyay xasuuqa Faransiiska oo ay gaysteen argagixisada Daacish ama ISIL ayaa sheegaya in dhimashada tahay 120 iyadoo meelaha argagixisadu weerartay yihiin meelaha ay dadku badan yihiin si u dilaan dad aad u farabadan., Argagixisada Daacish ayaa jecel xasuuqa dad aad u farabadan ha ahaato Muslim iyo dad muslimiin ahaynba. Waxayna ku qaraabtaan diinteena macaan ee ka fog ha noqoto xataa hal qof oo dhigiisa la daadiyee.

Argagixisada ayaa weerartay goobab dadku ku caweeeyaan isla markaana ay joogaan dadka ugu badan habeenada Jimcaha ee dadku shaqo tageyn berito. Waxa ku jirey goob lagu daawanay heeso cusub oo la soo saaray oo ay ku jireen ilaa 1500 oo qof.

Weerar ay qaadeen ciidamada u tababaran la dagaalanka fuleyda noocana ayaa isla markiiba dilay. Faransiiska iyo dunida reer Yurub oo ay ku noolyihiin malaayiin Muslimiina ayaa suaalo iska waydiiyay xilli lagu jiro xilligii argagixisada caalamka sida Faransiisku u dayacan yahay.

Meelaha kale ee ay weerareen waxa ka mida meelo maqaaxiyo ah oo dadku kaga nasanayeen shaqada usbuucii la soo dhaafay.. dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday goobta lagu daawanay heesaha cusub oo lagu magacaabo Batacalan.

Argagixisada ayaa weerarkan u isticmaashay qoryaha u dhaca darandooriga iyadoo la sheegayo in inta aan la dilin ay qabsadeen dad ay ka dhigteen gaashaan.

Faransiska ayaa xidhey xadkiisa bandowna ku soo rogey. Dadka weerarka gaystey ayaa ah Faransiis ka soo jeeda carabta ugu badan ee degan halkaas ee Faransiisku gumaysan jiray. Lama garan karo talaabada uu qaadi doono Faransiisku iyo in uu doodi doono in uu qaabilo qoxooti cusub iyo talaabooyin kale oo ka dhana dadka Muslimiinta ee martida u ah.

Ilaa hadda lama sheegin in gacanta lagu dhigey mid ka mida kuwa wax gaystey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM