November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyay xiriirka Salafiga Sacuudiga iyo Iiraan iyo kaalinta wadamada Muslimiinta kale

Sacuudiga oo dagaal kula Jira dalkaasi Iiraan iyo dadka Shiicada ah ayaa xiriirkii u jaray IIraan kadib markii la gubey safaaradiisii Tehran isaguna intaa kahor uu qoorta ka jaray wadaad Sacuudi ah laakiin Shiicanimadiisa loo dilay. Intaas kahor wuxuu Sacuudigu xasuuq ka wadaa wadamada Yaman iyo Siiriya halkaas oo uu barakiciyay malaayiin qof oo Sunni ah.

Hadaba intii Sacuudigu xiriirka u jaray Iiraan inkastoo markii horeba uu xumaa wuxuu isku dayay in uu urursado xulafo kale oo ka duwan kuwii hore u diidey..Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa wadamada uu duufsaday in ay xiriirka u jaraan Iiraan oo wadan Muslim ah.

Wadamada yaryar ee Carabta oo la filayay in ay ku daba dhuuntaan Sacuudiga ayaa ilaa imika la soo daahay in ay xiriirka u jaraan IIraan waxana hadda iyaguna sheegay in ay safiirkii la soo noqdeen dalkaasi Kuwayd halka xalay Suudaan oo fiqiira iyo Imaaradku iyaguna sheegeen in ay yareeyeen xiriirkii safiirada badan. Baxrayn hore loo ogaa.

Somaliya oo aan jirin oo xaafad xaafad noqotey ayaa la filayay in uu Xasan Sheekh is dhiibo isagoo filaya in Sauudigu u soo tuuro waxoogaa xaqal jeeba ilaa hadase waxay sheegtay kaliya in ay ka xuntahay safaarada la gubey.

Wadamada ku nool Sacuudiga sida Bakistaan ayaa iyaduna sheegtay in arinta lagu xaliyo si nabada xiriirkana la soo ceshado. Carabta yaryar ee kale sida Qadar iyo Cumaan ayaan iyaga Sacuudigu ku xisaabtamayn.

Wadamada waaweyn ee Muslimiinta waxa Sacuudiga raacsan akhwaanka Turkiga haysta ee Erdogan inkastoo aanu si cad isku cadayn laakiin hadana booqasho uu ku joogey Sacuudiga maalmo kahor ayaa la waydiiyay in xulafada Sacuudigu samaynayo loo samaystey urur diimeedyada Jira wuuse beeniyay.

Wadamada Eeshiyada fog sida Malaysiya iyo Indooniisiya ayaa iyaguna ku baaqaya in la dejiyo arinta waxayna hore u diideen in fuulaan urur diimeedka Sacuudiga. Isku soo wada duuboo Sacuudigu ma helin taageero afeed buuxda iyadoo ay meesha ka baxsan tahay taageero Milatari oo uu helo inkastoo Yuhuuda iyo Maraykanka oo uu ka helo caawimada hubka waaweyn ay sheegeen in ayna rabin in ay dhex galaan sheekada Sacuudiga iyo Iiraan.

Dhinaca IIiraan ayaan iyadu helin wadamo si gaara u xusan inkastoo Iiraan tirsanayso quwada Ruushka hadii Yuhuuda iyo Maraykanku soo farogeliyaan taageerana u fidiyaan Sacuudiga. (Waa haddii dagaal dhaco)

Haddiise weerar dagaal uu dhaco waxa hubaala in Salafiga Sauudiga la cayrsan doono oo kaliya uu isku halaynayo Yuhuuda iyo Marayklanka oo hadaba siiya hubka uu ku garaacayo Yaman.

Arinta aad I waydiin karto ayaa ah arinta Falastiin oo hadda la ogaaday in dad bnadan cuqdad lagu beeray halka Sacuudigu toos ula jirey Yuhuuda oo ay uga daran tahay xasuuqa Yuhuudu wado in uu u hub urursado sidii uu Iiraan ula dagaalami lahaa…Kuna darso waxay ahayd Sacuudiga kii burburiyay dawladii Ciraaq ee Sunniga ahayd ee Sadaam Xuseen haddii lagugu yiri ama lagaa dhaadhiciyay waxa jira wax la yiraa Sacuudi ayaa Sunni U DAGAALAMAYA.

Fitnada uu bilaabay Sacuudiga waa in ay ahaato mid isaga ku kooban oo aan waxyeelo ku yeelan xiriirka ay la wadamada kale ee Muslimiintu la leeyihiin Iiraan o ah dawlad awood leh waxna u tari karta Muslimiinta kale inkastoo aan la waayayn madax calooshood u shaqaystayaala.

Waxaad ku doodi kartaa Iiraan maxay wadaa iyadu sow Somaliya kama wado Shiicayn waxaana Jawaab kuu ah Iiraan ma diinta Islamka ayaad ka saartey hadayna Muslimiin ahayn XAJKA Sacuudigu ha u diido. Waxase arimaha diin bedelka looga hortagi karaa KALIYA in aad dadkaaga horumariso fiqiirnimada la dagaalanto.

Way u dhaami lahayd Sacuudiga in SALAFINIMADIISA uu hadaba ka wado Somaliya uu lacagtiisa isticmaalo iibsadana dadka Shiicada kuna biiriyo urur diimeedkiisa intii uu dagaal iyo dil ku bilaabayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS