X

Wargeys Maraykana oo ka hadlay sida Muuse Biixi marna loo aqoonsanayn

Wargeys ka soo baxa dalkaasi Maraykanka ayaa qorey in Shiinuhu wacdaro ku hayo geeska Afrika si fiicana uga badiyay Maraykanka oo Somaliya woqooyigeeda keenay Taywaan. ā€¯Waxaan ka baqaynaa in Jabuuti na tidhaa Maraykan ha baxo mnarka waa inaan dabada ku haynaa meel kale oo ka mida geeska waxana kuu soo baxaysa gobolka la baxay Somalilaan oo magacaas ictiraaf ku raadin jiray muddada qaranjkabka laakiin ku fashilmay ayu qorey wargeysku oo soo xiganay taageero ka tirsan dawlada Marayanka.


Wuxuu wargeysku qorey in xildhibaano dhawaan tagay Hargeysa uu soo aruurshay ninka Muuse Biixi u qaabilsan arimaha dbibedda oo ahysta dhlasho Maraykanka oo saaxiibadii ka dhaadhiciaay inay xildhibaano geeyaan Somalilaan ayuu wargeysku raaciyay.

Waxa dhinaca kale Ingiriiska iska abaabulay xildhibaano taageersan gooni goosadka oo iyaguna ku fashilmay inay meel wax gaarsiiyaan. Waxa wargeysku qirtey inaan maamulka Muuse Biixi ama midka ka dambeeyaba aan loo hayn sheekada ictiraafka oo ay isku raaceen inay tahay arin u dhaxaysa Siyaasiyiinta Somalida.


Waxa markasta la sheegaa in Berbera ku taalo meel iliqabatey u ah badda Woqooyiga Somaliya ee ay maraan maraakiib isaga gooshaysa Eeshiya iyo Yurub laakiin sow ma jiri karaan dekedo kale oo la mida oo laga samayn karo isla woqooyigaas ayuu yiri Xuseen Warsame.

Si kastaba ha ahaatee wargeyska oo ka mida kuwa ugu afdheer ayaa qoraalka dheer been ka sheegay xaqaaiqii ka dhacay Woqooyiga Somaliya 1988 ilaa 1994 oo ay is leeyihiin ku iibiya gooni goosadnimo.



Maraykanka oo is keena baddeena Woqooyiga waxay ka dhigan tahay kacdoono looga hortago oo aan la saadaalin karin halka ay ku dhamaanayaan ayuu qabaa Xirsi Warfaa.

Warbixinti Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.