X

Xog lagu ogaaday in safiirada Ingiriiska ee Somaliya ay tahay aabaha musuqa

Safiirada Ingiriiska u joogta magaalada Muqdisho waa aabaha musuqa sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Somaliya oo iyaga xogtan lala wadaagay. Xogtan masuuliyiinta ka tirsan dawlada ay sheegeen ayaa la sheegay in la aruurshay muddo 6 bilooda. ”Waa shaqsiga ugu socodka badan ee aan ka dhamaan maamulada ay taageersan yihiin ee Axmed Madoobe oo Kiiniya hoos fadhiya iyo horjooge Siciid Deni ayuu yiri Cali Calasow oo xogtan lala wadaagay.


”Haddayna aadin Garoowe ama Kismaayo waa inay telfoon kula soo xiriirtaa ayadoo hagaysa qaabka iyo shaqsiyaadka ay soo saarayaan oo ay u gudbiyaan labadaa horjooge ayu raaciyay. Waxay kaloo hagtaa ayadoo la shaqaysa Maraykanka halka ay ku bixinayaan laaluushka ayuu raaciyay Cali Calasow.


Waxay mar gaareen inay goostaan lacag ay balan qaadeen oo doorashada ahayd ayagoo arkay in dadka soo baxay ay dhamaantood yihiin xildhibaano xora oo taageersan madaxweynaha talada haya.


Safiiradan oo ku nool xerada Xalane ayna ilaaliyaan askarta Afrikaanka ayaa u tafo xaydatey sidii aan dib loogu soo doooran madaxweynaha hadda talada haya oo kala furfuri doona maamul jufeedyada, taas oo kooxda Xalane ay ka xigaan dagaal.

”Haddii maamul jufeedyada meesha laga saaro safiiradan iyo kuwo kale shaqo uma taalo dalka, waxayna ku qasban yihiin inay ku daba faylaan dawlada dhexe halka hadda ay kolba maamul jufeed ka degayso ayna ka fushanayso horjoogaha halkaa ay ku hayaan ayuu yiri Xuseen Warsame

Way soo dhamaan doontaa sida dalka ay la rabaan wayna soo afjarmaysaa waxana jiri doona hal meel oo amarku ka soo baxo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.