Wariye Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa xalay Ku Guuleystay in uu noqdo guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, kadib markii uu tanaasulay Musharax Cali Baashi C.laahi oo kula tartamayay Jagadaasi.
Wariye Cali Baashi oo ka hor hadlay Ergada doorashada ku sugneed iyo ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in uu ka tanaasulayo tartanka jagada Hoggaanka Sare ee NUSOJ uuna la shaqeynayo Saaxiibkiis Maxamed Ibraahim Mucalimuu.
Waxaa mar qura isbadalay Jawiga Goobta ay Doorashadu ka Socotay, iyadoo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweeyeen in Xoghayaha ururka NUSOJ uu noqdo Maxamed Ibraahim Mucalimuu.
Sidoo kale Maahir Jaamac Aadan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ, isagoo ka guuleystay Wariye Aadan Maxamed Salaad Aadan Kismaayo oo xilkaasi kula tartamayay.
Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee NUSOJ waxaa loo doortay Muxudiin Xusni, Halka 2-aad isna loo doortay C.fataax Xasan Faarax, waxaana Doorashada ku dhamaatay guul taariikhi ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![SONNA-8-640x360[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/05/SONNA-8-640x3601-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay