Allaha u naxariistee wariyihii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke ayaa la soo sheegay in uu Jigjiga ku geeriyooday. Cawke ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansan cariga Somalida wuxuuna ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynihii u dambeeyay dalka Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Cawke ayaa diidey in uu marnaba ku jeesto madaxweynihii shaqada siiyay oo uu war xun ka sheego. Cawke ayaa waligiiba lagu yaqaaney nin ka fog colaada iyo cuqdada qabiileed ee ku habsatay Somalida.
Wuxuu sanadihii dambe u wareegay gudaha dalka halkaas oo uu jeclaystay in uu la joogo dadkiisa jecel wuxuuna marmar soo saari jirey barnaamijyada ciida ee farxada leh.
Dhimashada Axmed Xasan Cawke waxa cadaysay gabadha kaliya ee ay walaalo yihiin Cawke ee Canab Xasan Cawke. Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay