Warqad la sheegay in uu madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale u direy raiisal wasaarihii Ingiriiska oo ku dalbanayay in Ingiriisku ka caawiyo aqoonsiga iyo in uu madaxda Afrika kala hadli lahaa in Hargeysa la siiyo aqoonsi ayaa lagu qorey mid ka mida wargeysyada beesha dhexe. Inkasta oo aanaan xaqiijin Karin saxnimada warqadan hadda waxay u egtahay warqadaha calaacalka ah ee ka iman kara maamul aqoonsi raadis ah. Warqada ayaa sidan u qorneyd.
“Mudane raysalwasaare; Fadlan ii ogoloow in aan cabbiro farxadda weyn ee ay ii tahay in aan kaaga mahadnaqo caawimada joogtada ah ee ay dawladdaadu siio jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumaddaydu waxa ay muddo ka soo shaqaynaysay isku day xurmo leh oo ay ku raadinaysay taageerada dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika iyada oo ujeedadeedu tahay sidii ay ugu dambaynta ugu qancin lahayd in ay aqoonsi diblumaasiyadeed siiyaan Somaliland.
Si kastaba ha ahaato ee, waxa aanu hadda gaadhnay halkii aanu u baahannay in aanu dawladda boqortooyada Ingiriiska kala tashanno arrimo door ah oo diblumaasiyadeed, si faahfaahsanna ula sii lafa guri lahayn, habka aad dawladdayda ugu fidin kartaan caawimada aanu ugu baahannay dadaalkayagan aanu aqoonsiga diblumaasiyadeed kaga doonayno dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika.
Maxamed Yuusuf
Warqadan waxa qorey wargeyska geeska Afrika
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay